|

Dawladaha Jabuuti Iyo Dubai Oo Xidhiidhkii Ka Dhaxayn Jiray Ee Saaxiibtinimo Soo Cesheday

vs
Jabuuti — Wefti balaadhan oo uu hogaminayo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga  Caalaamiga ee jabuuti  Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ka qayb galay shirkii golaha wasiirada dawladaha carabta ee ka qabsoomay Abu dhabi.

Waxaana Wafdiga  wasiirka arrimaha dibadda socdaalkiisa, ka mid ahaa safiirka dalka jamhuuriyadda jabuuti u fadhiya Masar Ambassador Cumar Muuse Darar, iyo agaasimaha waaxda wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan dalalka carabta Mudane Mohamed Ducaale Weheliye.

Waxa shirkooda wasiiradda arrimaha dibadda dawladaha carabtu, kaga wada hadleen sidii ay u xoojin lahayeen iskaashiga ay ka lee yihiin la dagaalanka argagixisada iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya dawladaha carabta.

Dhanka kale, kulan gaara oo ay wada yeesheen wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee jabuuti iyo dhiggiisa imaaraadka carabta, ayaa lagu heeshiiyay sidii loo soo nooleyn  lahaa xidhiidh kii dhaqan dhaqaale ee u dhexeeyay labada wadan.

Xidhiidkii hore uga dhexeeyay jabuuti iyo dubai ayuu dhaawac wayni soo gaadhay ka dib markii laba maasul oo  sar sare oo u kala dhashay labada dawladood ay  isku dhaceen .

Comments are closed