Dawladaha Itoobiya iyo Koonfur Sudan oo isla qaatay dhismaha Dhuumo shidaal oo Jabuuti la gaadhsiiyo
Jabuuti Feb 10,2012(qurbejoog.com)-Dawladaha Itoobiya iyo Koonfur Sudan ayaa heshiis horu dhac ah iskula qaatay dhismaha dhuumo shidaal oo Jabuuti Gaadha,sidaana waxa saxaafada u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Koonfur Sudan Barnaba Marial Benjamin.
Sidoo kale wasiirku waxa uu ka waramay dhismaha dhuumo shidaal oo la gaadhsiiyo degaanka Lamu ee dalka Kiinya si markaa shidaalka dalkooda halkaa looga dhofiyo.
Wasiirka warfaafinta Koonfur Sudan Barnaba Marial Benjamin ayaa ka waramay in ay jirto shirkad Mareykan ah oo diyaar u ah dhismaha dhuumaha shidaal ee lagu wado in Jabuuti la gaadhsiiyo.
Koonfur Sudan ayaa baadi goob ugu jirta sidii ay u heli leheyd dekedo ay ka dhoofiso shidaalka faraha badan ee uu dalkaasi soo saaro ka dib khilaaf soo kal dhexgalaya iyaga iyo Sudan oo ay hore dekedeheeda shidaalka uga dhoofin jireen.
Wadahadalo ay ay midawga Africa gadh waeen ka yihiin ayaa dib beri Adis Ababa uga bilaaban doona dalalka Koonfur Sudan iyo Sudan.
Dawlada Jabuuti ayaan weli wax war ah ka soo saarin qorshahan dalkeeda looga dhoofinayo shidaalka dalka Konfur Sudan.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com