Dawlada Yemen oo Shaacisay inay Soo Dhawaynayso Wefti ka socda Qaramadda Midoobay oo Baadhitaan ku samaynaya Xadgudubyada dagaal ee Dalkaasi ka Dhacay
Sana 01. October 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday in si mug leh u soo dhaweynayso khubaro baadhayaal ah oo Qaramada midoobay u soo dirayso dalka Yaman, kuwaas oo baadhitaan ku sameynaya xad-gudubyada iyo dembiyada dagaal ee ay geystaan dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi.
Gudi u qaabilsan Qaramada midoobay xuquuqda Aadamaha ayaa maalintii shalay ansixiyey in dalka Yaman loo diro khubaro xaqiiqo raadin ah oo soo bandhiga dembiyada dagaal iyo xad-gudubyada dalkaasi ka dhacay, iyadoo ilaa sideed kun oo shicib ah dalkaasi lagu dilay, halka ilaa konton kuna ay ku dhaawacmeen dagaalada aan joogsiga lahayn ee dalkaasi ka bilaamay 2015kii.
Dhinacyada dalkaasi ku dagaalamaya oo kale ah malayshiyada Xuutuyiinta iyo ciidamada qaranka dalkaasi oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya isbahasiga Sacuudigu hogaamiyo ayaa midba ka kale ku eedeeyaa in ay u geysteen dadka shicibka ah iyo xarumahoodii daryeelka burbur iyo xasuuq, hase yeeshee baadhayaashan loo diray dalkaasi waxa aad uga shaqeeyey ergooyinka dawladaha reer galbeedka oo sheegay in dalka Yaman uu ka socdo dagaal aan loo Aabo yeelayn dadka shicibka ah.