Dawlada Waddanka Holland oo Wax ka Bedeshay Siyaasadeedii Qaxoontiga
Oslo 24.Jan 2014 (SDN)- Xoghayaha caddaaladda iyo amniga ee dalka Netherlands, Fred Teevan ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay siyaasaddii dowladda ee ku aaddanayd dadka magangelyo-doonka ah ee ka imaanaya dalka Soomaaliya.
Wuxuu ku sheegay warqad qoraal ah in dadka la caddeeyo in ay u baqayaan noloshooda sababo la xiriira in ay bar-tilmaameed u yihiin Al-Shabaab in ay xaq u leeyihiin in loo oggolaado deggenaasho.
Fred Teevan wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay sii kordhineyso dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo magaalada Muqdisho, iyadoo bar-tilmaameed ka dhiganeysa shaqaalaha dowladda, xubnaha qeybaha caddaaladda ee dalka Soomaaliya, askarta AMISOM, dadka u shaqeeya ururrada caalamiga ah iyo dadka ay Al-Shabaab uga shakisan tahay in ay jawaasiis u yihiin dowladda.
Bishii December ee hore ayaa dowladda Netherland waxay sheegtay in ay dib u celin doonto dadka magangelyo-doonka ah ee ka imaan jiray Soomaaliya sababo la xiriira xaaladda Soomaaliya oo horumar laga sameeyay.
Oslo SDN.
Qurbejoog.com