Dawlada UK oo lacago Malaayin ah ugu deeqday ciidamada Soomaaliya
Muqdisho September 20, 2023 (SD) – UK ayaa ku dhawaaqday in ay lacag dhan 5 Milyan oo Giniga Istarliinka ah ku taageereyso ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay gacan ka siineyso xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada Soomaaliya ee UNSOS.
Lacagtan cusub ayaa lagu xaqiijiyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, oo booqasho ku timid Soomaaliya usbuucii hore, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay dawladda UK.
“Iskaashiga amniga ee ka dhexeeya UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay in la helo xasilooni iyo nabad ka dhalata Soomaaliya iyo gobolka, UK waxay sii wadi doontaa taageerada dadaalka hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo kor u qaadista xoojinta amniga goobihii ay ciidamada dowladda,” ayay tiri Dame Sarah.
Bayaanka UK ayaa sidoo kale lagu nuux-nuuxsaday, “Iskaashiga UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo horumarka ayaa muhiim u ah mustaqbal barwaaqo u horseeda Soomaaliya”.
UK ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad iyo xasillooni.