Dawlada Suuriya oo sheegtay in Mucaaridku ku fashilmay Afganbi ay damacsanaayeen
Dimishiq Mar 31,2012(SDN)-Afhayeen maanta u hadlay dawladda Suuriya oo lagu magacaabo Jihaad Maqdasi, ayaa sheegay in ay ku fashilmeen mucaaridkii dalku ee doonayey inay afgambiyaan xukuumadda Suuriya, hase yeeshee uu dagaalka ka socda dalka yahay sidii loo soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambayntii.
Afhayeenku wasxa uu intaa raaciyey in dawladda Suuriya aqbashay qorshaha nabadda ee uu gadhwadeenka ka yahay xoghayihii hore ee qaramada midowda Mr Kofi Anan toddobaadki hore, ee ay maamulka Suuriya sugayaan sidii qorshahaasi fulintiisa looga wada tashan lahaa.
Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Axmed Daa’uud Ogloo ayaa ugu b aaqay dawladda Suuriya in ay maanta haysato fursaddii ugu dembeysay ee caalamku ugu talo galay furdaaminta rabshadaha iyo dagaalada ka oogan dalkaasi, haddiise ay Surta gali waydo in lagu guulaysto qorsahaasi maamulka Suuriya waxa uu la kulmi doonaa talaabo adag oo caalami ah, hadalk ka soo yeedhay Mr Aqloo waxa uu ku soo beegmay, iyadoo bari uu shir caalami ihi ka furmayo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga oo lagaga hadlayo mashaakilka Suuriya.
SDN-Hargeysa