Dawlada Sudan oo Ku dhawaaqday inay Dalkeeda Joogaan Silsilada Dadka Tahriibisa ee Ka Ganasada Basharka Aadamaha
Khartoum, 22 April, 2016-(SDN/QJ): – Dawlada Sudan ayaa ku dhawaaqay inay dalkeeda joogaan shabakado loo adeegsado tahriibinta dadka.
Wasiirka arimaha gudaha ee wadanka Sudan General Cismat Cabdiraxmaan oo u waramay wargayska Al-sudani ee dalkaasi ka soo baxa ayaa sheegay inay Magaalada caasimada ah ee Khartuum ka jiraan xarumo lagu tahriibiyo basharka aadamaha, kuwaasoo ay ku xidhan yahiin dadka ka soo tahriibaya gobolka geeska afrika.
Wasiirku waxa uu caddeeyey in mushkilada arintaasi ku taxaluqdaa ay tahay mid ku kooban tahriibinta dadka laakiin aanay ahayn mid ka shaqaysa hawlaha arxandarada ah ee tahriibaha xubnaha aadamaha, dawlada suudaana aaanay waxba kala hadhayn sidii loo burburin lahaa shabakadahaasi.