Dawlada Soomaaliya oo shirkad China laga leeyahay oo Macdan ka baareysay Awdal dalka ka erisay
Muqdisho Jan 08,2014(SDN/QJ)-Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Awdal ka eriday shirkad Chinese ah oo macdan ka baareysay degaanka Simood.
Dawlada Soomalaiya ayaa sheegtay in shirkada ARC oo laga leeyahay dalka China ay qalaalase dhex dhigtay dadka degaanka Simoodi isla markaana ay sharci daro dalka uga guraneysay macdan.
Qoraal ay dawlada Soomaaliya arinkan ka soo saartay ayaa lagu sheegay in hawlaha shirkada ARC ay yihiin qaar ka dhan ah midawga iyo madax banaanida Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa arinkan kala xaajooday safiirka China Mr. Wei Hongtiang mar ay dhawaan kulmeen.
SDN/QJ-Muqdisho