|

Dawlada Soomaaliya oo laga codsaday sii daynta suxufi u xidhan

Nairobi April 01,2014(SDN)-Ururka caalemiga ah ee CPJ oo u dooda xuquuqda suxuufiyiinta ayaa ka dalbaday dawlada Soomaaliya in ay sii deyso suxuufi Muqdisho ay ku xireen.

Madaxa denbi barista Soomalaiya Maxamed Khaliif ayaa u yeeray tafatiraha Iddacada Sky FM Nuradiin Xasan ka dibna xabsiga u taxaabay sida ay idaacadu sheegtay.

Nuurudiin ayaa lagu heystaa war uu siidaayay oo lagu sheegay in mid ka mida la taliyeyaasha raiisul wasaaraha Soomaaliya oo waayay passaportkiisii britishka ahaa.

“Dawlada Soomaaliya ayaa ku xadgudubta saxaafiyiinta ka bixiya dawlada sawir aan qurux badneyn”ayaa lagu yiri war uu soo saaray Tom Rhodes oo CPJ u fadhiya bariga Africa.

“Waxaan ka dalbaneynaa dawlada Soomaaliya in ay si dhakhso ah u sii deyso weriye Nuuradiin Xasan”ayuu yiri Tom Rhodes.

Wasiirka warfaafinta dawlada Soomaaliya Mustafe Dhuxuloow iyo afhayeenka dawlada Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa u sheegay CPJ in ay eegayaan arinta.

Idaacadda Sky fm ayaa qeyb ka ah idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho oo qudheeda in badan ay isku dheceen dawladihii kala duwanaa ee Muqdisho soo maray.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed