|

Dawlada Soomaaliya oo ka noqotay go’aankii ka dhanka ahaa UNSOM

Muqdisho May 11, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dib uga laabatay maalin uun ka dib codsigii dhawaan lagu dalbanayay in la xiro oo dib loo qiimeeyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM).

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda oo ay u dirtay Qaramada Midoobay maanta ayaa lagu sheegay inay laashay codsigii ahaa in la xiro xafiiska UNSOM, waxayna ka codsadeen QM in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo kormeera howlaha QM ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay in ay soo magacawdo xubno Soomaali ah si ay u diyaariyaan qorshayaasha dib-u-qaabaynta iyo kala wareejinta howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Go’aankan dowladda ayaa yimid kadib markii ay khadka taleefoonka ku wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyadoo labada mas’uul ay isku afgarteen in la dhiso guddiga la socda shaqada UNSOM.

Comments are closed