|

Dawlada Soomaaliya oo ka hadashay Dagaalka Qurulugud

Muqdisho November 01, 2024(QJ) -Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Khaatumo iyo Somaliland ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaanada Qorilugud iyo Shangeed, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidamada Somaliland Cabdi Cabdillaahi Cabdi Dheere, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSB ay guulo ka gaareen dagaaladii deegaanka Shangeed ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ay kula galeen ciidamada SSC Khaatumo.

Wuxuu ku andacoodey in dagaalkii maanta ciidamada SSC Khaatumo ay guuldarrooyin kala kulmeen, isagoo sheegay in ujeedka colaaddan soo cusboonaatay ay tahay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka soo socda.

SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay inay mas’uul ka tahay colaadda labada maalmood ka taagan deegaanka Qorilugud.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo Najiib Barkhadle oo warbaahinta kula hadlay guddaha Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay shalay iyo maanta soo weerareen difaacyadooda ayna iska caabiyeen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saartay shaqaaqooyin u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Qorilugud iyo Shangeed ee gobolka Togdheer.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo si shuruud la’aan ah lagu cambaareeyey shaqaaqooyinkii ka dhashay dhiiga shacabka. Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay baahida degdega ah ee loo qabo joojinta colaadda si looga hortago khasaare kale oo nafeed.

Comments are closed