|

Dawlada Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysay Hubkii lagu boobay Cabudwaaq

Muqdisho July 22, 2024(QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay ka dambeyso hubkii soo galay magaalada Caabudwaaq. Hubkan ayaa markii hore waxaa dhexda u galay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya xili ay dalka soo galayeen.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ugu baaqday Itoobiya inay joojiso faragelinta iyo hubka sharci darrada ah ee ay ku hayso Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hubka ay dhawaan ciidamada dowladda kala wareegeen dadka deegaanka Caabudwaaq ayaa sii kordhisay cadaadiska uu ku hayo maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay xakameynta hubka sharci darrada ah ee dalka kusoo qulqulaya.

Comments are closed