Dawlada Soomaaliya oo dalka ka saareysa calooshooda u shaqeysteyaasha Saracen
Muqdisho March 01,2012(SDN)-Boqolaal ka mid ah askar hawlgab ah oo reer Konfur Africa ah ayaa ka halgala shirkada amniga ka shaqeysa ee Saracen inkasta oo ay sharciga dalkaasi aanu ogoleyn hawsha nuucan ah isla markaana ay Qaramada Midoobey sheegtay in shirkadani khatar ku tahay amniga Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta DFKM ee Soomaaliya Cabdikariim Jaamac ayaa sheegay in cilaaqaadka u jarayaan shirkadan goor dhaw.
Saracen ayaa lala xidhiidhiyaa shirkada kale ee aan sumcad wanaagsan laheyn ee Blackwater oo tacadiyo ka geysatay dalka Ciraaq.
“Xiligan la joogo waxaanu u aragnaa in aaney wanaagsaneyn in aanu la macaamilo shirkada Blackwater,caawimaad waan u baahan nahay balse ma dooneyno calooshooda u shaqeysteyaal”.ayuu yidhi wasiirku.
Saracen ayaa Soomaaliya ka fulisa hawlo tababr ay u fidiso ciidamada DFKM ee Soomaaliya haatan,balse hawshaa inteeda badan waxa ay ka fulisaa maamul goboleedka Puntland.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com