Dawlada Somaliland oo Sheegtay inay Dagaal adag la Galayso Jaamacadaha dalka ka Jira oo ay ku Sifaysay Meherado Ganacsi
Burco 17.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo dorraad Kulan kula Qaatay Magaalada Burco Masuuliyiinta Wasaaradda Waxabarshada Ee Gobolka Togdheer Iyo Dawlada Hoose Ee Degmada Burco ayaa waxa uu Daaha Ka Fayday Inuu Dagaal Adag Kula Jiro Jamacadaha Dalka oo uu Ku Tilmaamay In Waxabarshadoodu aad u liidato .
Wasiirku Waxa uu Sheegay in Jaamacadahani ay soo saaraan arday aan xataa Arji ku qoran karayn Soomaali iyo Ingiriisi toona isaga oo sheegay in ay dalka keeni doonaan Jaamacado Ajaanib ah oo inta heshiisyo lala galo laga codsado in ay ardayda xirfado innoo baraan ee aan loo baahnayn inan ama gabadh shaadh cad inta ay soo xidhaan yidhaa Maamulka iyo Ganacsiga ayaan bartay oo aan haddana warqad yar oo codsi ah qoran karayn.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane waxa uu sheegay in Wasaraddu Diyaarinayso Qorsho Cusub Iyo Siyaad Cusub Oo Wax Lagaga Badalayo Hanaanka Waxbarasho Ee Dalka Isaga oo Shirkan Uu La Qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Ee Gobolka Togdheer Iyo Dawladda Hoose Ee Burco Ku Tilmaamay Jamacadaha Dalku Inay Noqdeen Tukaano Ganacsi oo loo baahan yahay in aan iska xidhno. Wasiir Cabdilaahi Dheere oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Anigu wasiirkii Waxbarashada ayaan ahay xog-ogaal baan ahay. Markay wada shaadh caddaato ee ay tidhaa waxaan soo bartay Business Administration oo arji yar qori karaynin. Arjina qoran kari maayaan af-ingiriisi iyo af-soomaali toona. Been idiin sheegi maayo. Dagaalbaa na dhex socda nimankan Jaamacadaha. Dagaalbaa na dhex socda. Amma jaamacado ayay noqon amma Tukaanno aan iska xidhno ayay noqon. Illayn Tukaan waxbarasho uma baahnine. Waxa weeyaan, sida aynu u xidhaynanona laba dagaal baan qaadaynaa oo jaamacado Ajaanib ah waa in aan hellaa oo aan heshiis la galno oo innaguna aan dhul siinno oo aan heshiis la galno si ay caruurteena wax innoogu baraan oo ay innoo baran xirfado iyo aqoon lagu shaqo tagi karo.
Waa Markii Ugu Horaysay Ee Wasiir Waxbarasho oo Somaliland ahi qiro tayo xumada la sheegay in ay ka jirto tayada waxbarashada ee jaamacadaha dalka oo soo saaraya arday aanay is lahayn aqoonta ay sheeganayaan iyo tayadooda waxbarasho una hadlay sidii ugu adkayd iyada oo aqoonyahanka dalku walaac weyn ka qabaan dufcadaha maalinta maalinta ka dambaysa iska soo daba baxaya ee ka qalin jabinaya jaamacadaha dalka oo si weyn loo saluugsan yahay tayadooda waxbarasho.