|

Dawlada Somaliland oo Ku Eedaysay Ciidamada Punt land inay Qayb weyn ka qaateen Dagaal shalay ka dhacay Gobolka Sool, Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Deegaankii lagu Dagaalamay DAAWO

Laascaanood 24.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Gobolka Sool,  Mr. yaasin Ex , Oo warbaahinta Kula hadlay Magaladda Burco Ayaa faahfaahin Ka bixiyay weerar Ay Maalintii Shalay Ciidamo Ka Tirsan Maamulka puntland Ku Layeen Dad Rayida Degaanka Qoriilay ee Gobolka Sool.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Dagaalkii Shalay ka dhacay Deegaanka Qorrilley oo markii hore u dhexeeyay Laba Beelood oo Walaalo ah uu Markii danbe isu bedelay Beel deegaankaasi degta iyo Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land Iyadoo Waraku Sheegayaan in  Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi uu Gaadhayo Dhimashada 15 Qof iyo Dhaawaca 8 Qof oo dhamaantood hal dhinac ka soo wada jeeda.

 

Comments are closed