Dawlada Somaliland Oo Markii U Horaysay Golaha Wakiillada U Gudbisay Xeerarkii Maaliyadda
Hargaysa 22.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland ayaa taariikhda markii ugu horeysay waxaa ay maanta golaha wakiilada u soo gudbisay xeerarkii maaliyada.
Xeerarkan ayaan wali tariikhda aan golaha wakiilada la hor la keenin waxaana la sugaayey in golaha la keeno ilaa markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Alle ha U naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Xoghayha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo arintaasi warbaahinta u cadeeyey ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa maanta golaha wakiilada la keenay xeerar in badan la sugaayey ilaa markii uu dalka xukumi jiray Madaxweyne Cigaal.:
Xeerararka ay Xukuumadu u soo gudbisay Golaha Wakiilada waxa ka mid ah.
- Xeerka Kastamada
- Xeerka Qandaraasyada
- Xeerka Cashuuraha
- Xeerka Hanti Dhawraha Guud
- Xeerka Ilaalinta Maaliyada Iyo Xisabaadka.