Dawlada Somaliland Oo Goor Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Baadi Goobeysa Shabakadaha Dhallinyarada Tahriibiya, Waalidiintana Beer Jileec Ku Canaanatey
Hargeysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ):– Xukuumadda Somaliland, ayaa wada Qorshe ay Xididdada ugu siibeyso Shabakadaha Ka shaqeeya Tahriibinta Dhalinyarada, kuwaasi oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin gudaha Dalka isla-markaana isku xidhaan Qofka Tahriibaya illaa Mukhalasiinta Doonta Saara.
Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan Dadka Tahriibaya iyo kuwa ka shaqeystaba, inkasta oo uu walaac ka muujiyey sida loo joojin karo qof isagu doonaya inuu baxsado.
“Ciddii Tahriibeysa ee Baxsanaysaa Waalidkoodana uma sheegaan, Irid Dawladi fadhidana ma maraan ee Jid cadaha ayay iska maraan, kuwo baxsaday oo Waalidkood yidhaahdeen way Tahriibayaane hala ii soo qabto oo aakhirkii la helayna way jiraan.” Ayuu yidhi, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray, “Markaa Xalku waxa weeyaan in si wada jir ah looga shaqeeyo iyo Dawladaha Gobolka oo ka xidhiidha, Annaguna wixii Awooddayada waanu ka qabaneynaa ee aanu Xadka kaga qaban karno, laakiin waxay odhanayaan Magafaa haysta, dabadeedna Maalmo ayuu Iska oohinayaa, markaasay Waalidiintuna Toban Kun oo Doollar ka daba dirayaan, waxaan leeyahay haka joojiyaan, waayo? Markuu Maalmo haysto wuu iska siideyn.”
Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu doonaynaa inaanu Gunta u dhaadhacno oo aanu soo qabanno Ragga Sahlaya Tahriibka ee aynu Magafayaasha ku sheegayno..”ayuu yidhi.