|

Dawlada Siilaanyo maxey uga qeylisay warbixintii Ergeyga QM uu siiyay Gollaha Amaanka?

New York Dec 16,2013(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM Nicholas Kay ayaa warbixin uu uga hadlay xaaladihii u danbeeyay ee Soomaaliya oo uu siiyay Gollaha Amaanka ayuu uga hadlay xaaladihii u danbeeyay ee Soomaaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa ka qeyliday xogo uu ergeygu siiyay Gollaha Amaanka ee QM oo uu ku sheegayo khaladaad ay gasgay dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

“Somaliland waxa soo ifbaxay kala fogaasho u dhexeysa Mucaaridka iyo xukuumada,hogaamiyeyaasha mucaaridka ayaa mararka qaar xabsiga la dhigay ama la iska horjoogsaday in ay socdaalaan,waxaanu isha ku heyn doonaa marxalada Somaliland oo doorashooyin dhacayaan 2015”.

Ergeyga ayaase waxa uu u sheegay Gollaha Amaaka ee QM in xukuumada Somaliland ay iska hortaagtay in xafiiska QM ee UNSOM uu hawlihiisa ka fuliyo guddaha Somaliland.

“Dawlada Somaliland ayaa siiwada qaadacaada barnaamijka xafiiska UNSOM.hawlaheenuna weli waxa ay ku jiraan hakad”ayuu yiri Ergeyga QM ee dalka Soomaaliya Nicholas Kay.

Xukuumada Somaliland oo malaha aan fileyn in caalamku la socdo falalka ay kula kaceyso mucaaridka iyo saxaafada ayaa diidmo iyo dafiraad kala hortimi warbixintan kooban ee uu ergeygu siiyay Gollaha Amaanka eeĀ  QM.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed