Dawlada Shiinaha oo Joojiyey Kaalmadiisii Dhaqaale ee ay siin Jirtay Kuuriyada Waqooyi & Go’aankaas oo Maanta oo Salaasa ah dhaqangelaya
China 15. August 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay joojinayo kaalmadii dhaqaale e ay u fidin jireen Kuuriyada waqooyi, isla markaana ay joojinayso badeecadihii ay ka soo iibsan jirtay Dalkaasi.
Shiinaha oo ah dalka taageerada dhaqaale ee ugu badan siiya Kuuriyada Waqooyi ayaa cadeeyey in laga bilaabo Maanta oo Salaasa ah ay joojin doonaan waxyaabihii ay birtu ka mid ahayd ee ay ka soo iibsan jireen kuuriya
Shiinaha ayaa haatan ku adkaysanaya in ay lama huraan tahay inay dhaqangeliyaan cunoqabatayntii ay qaramada Midoobay dhowaan saareen Kuuriyada waqooyi, waxana tani ku soo beegmaysaa iyadoo washington ku eedaysay Shiinuhu in aanay wax muuqda ka qabanin sidii Kuuriya cadaadis loogu saari lahaa inay joojiso farsamada gantaalaha ridada dheer.