Dawlada Qatar Oo La Baxdey Ciidamo Ka Joogay Xuduudaha Dalalka Jabuuti Iyo Eretria +Tiradooda
Eretria 16. June 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Qatar ayaa waxaa ay shaacisay in ciidamo ay tiradooda ku sheegtay 450 Askariay kala baxdey xaduudka labada dal ee Jabuuti iyo Eretria
Qatar waxaa ay shegtay in ay arintanu ku war galisay dalalka Jabuuti isla markaana u sheegay in ay la baxayso ciidamadeeda
Ciidmadan ay la baxdey dalka Qatar ayaa waxaa ay halkaas la geeyey sanadki 2010 markii uu dagaal ka dhex dhacay labadan wadan ee Jabuuti Iyo Eretria
Jabuuti ayaa dhawaan hoos u dhigtay xidhiidhkii ay la laheyd dalka Qatar isla markaana waxaa ay tageertay huwanta uu hogaaminaayo dalka Sucuudigu .
Wasaarada warfaafinta Eritrea ayaa iyaduna sheegtay in ay la safatey dalalka carabta ee xidhiidhka u jaray dalka Qatar .
Ma aha marki ugu horeysay ee dalka Qatar uu ciidamo la baxo waxaa aheyd todobaadkii hore markii ciidamo kala baxay dalka Sucuudiga kuwaas oo hor fadhiyey jabhada xuutiyiinta.
Guji Halkan oo Ka Akhri Warbixintan