Dawlada Qatar oo Hay’adda Caalamiga ah ee Ganacsiga Adduunka u Gudbisay Dacwad ka dhan ah Afartii Dal ee Xidhiidhka u Jaray
Doha 02. August 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Qatar ayaa u gudbisay Hay’adda caalamiga ah ee ganacsiga adduunka dacwad ka dhan ah afarta dawladood ee u jaray xidhiidhkii ganacsi iyo kii diblomaasiyadeed, iyadoo aanay soo bandhigin sababo meel mar ah.
Wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar Mr: Axmed Binu Jaasi, oo dacwadan gudbiyey ayaa dawladaha xidhiidhka u jaray oo kale ah Sacuudiga,Masar,Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ku tilmaamay in ay u dhaqmayaan sidii ay Qatar maamulaan, isagoo xusay in godoonkaasi ay galiyeen dawladahaasi yahay mid sharci daro ah oon waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah.
Geesta kale, Mr: Axmed Binu Jaasi, waxa uu intaasi ku daray in Qatar diyaar u tahay in arinta lagu xaliyo kulan ay wado yeeshaan dawladaha xidhiidhka u jaray, iyadoo dhinac kastaa qadarinayo xuquuqda iyo xoriyada ay u leeyihiin talada aayahooda.