|

Dawlada Punt land oo Shaqo ka Joojin ku soo rogtay Universal Tv,Maxaase lagu eedeeyay

Garowe 21.Sep 2013 (SDN)- Maamulka Puntland ayaa maanta shaqada ka joojiyay telefishinka Universal oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida ee ka howlgala deegaannada Puntland kaddib markii uu ku eedeeyay inuu is-hortaagay khudbaddii madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ka jeediyay shirkii Brussels ee arrimaha Soomaaliya iyo ku xad-gudbidda dhaqanka iyo anshaxa saxaafadda caalamiga ah.

universal tvDigreeto ka soo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu caddeeyay in telefishinka Universal uusan ka shaqeyn karin deegaannada Puntland laga billaabo maanta oo Sabti ah ilaa amar dambe.

Wasaaradda ayaa amar ku siisay hay’adaha amniga ee Puntland inay dabagal ku sameeyaan hirgelinta go’aanka shaqada lagaga joojiyay telefishinka,Maamulka telefishinka Universal ayaan ilaa hadda ka hadlin arrintan.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed