|

Dawlada Panama oo Xidhiidhkii Dublamaasiyadeed u Jartay Dalka Taywan

Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Dawlada Panama ayaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Taywaan, iyadoo xoojisay xidhiidh iskaashi iyo ganacsi oo ay la leedahay xukuumada Shiinaha ee ka dhisan caasimada Bikiin, oo ay ku tilmaantay xukuumada asalka ah ee dadweynaha Shiinaha.

Afhayeen u hadlay xukuumada Panama ayaa ku dhawaaqay in Taywaan ka mid tahay gobolada Shiinaha, taas oo ayna noqon Karin mid matasha umada Shiinaha oo aduunka tiro ahaan u badan.

 

 

Dhinaca kale, dawlada Bikiin oo maal galin badan ku samaysay dalalka laatiin Ameerika iyo qaarada Afrika ayaa ka codsata dalalkaasi in ay xidhiidhka u jaraan Taywaan, iyadoo ay dhacday in bishii December ee sanadkii hore ay xidhiidhka u jartay Gasiirada Sow-tome ee qaarada Afrika dalka Taywaan.

Comments are closed