Dawlada Pakistan Ayaa Dalka Hindiya Ku Eedaysay Qulqulatooyin Dhiig Ku Daadatay Oo Ka Dhacay Xudduuda U Dhexaysa Labada Dal
Karachi 18. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Hindiya ayaa sheegay in aanay wax war ah ka haynin arrinta ku saabsan dhimishada afar askar oo Baagistaani ah oo lagu diley xudduuda labada dal. Sida laga soo xigtay Milatariga dalka Baagistaan ,dawlada Baagistaan ayaa dawlad Hindiya dusha ka saartay inay bartilmaameedsadeen gawaadhi milatari oo ay saarnaayeen ciidamo Baagistaani ah oo lagaga diley afar askari deegaanka Kaashmiir ee lagu muransan yahay.
Raysal wasaaraha Baagistaan Nawaaz shariif ayaa ka tacsiyadeeyey ciidankiisa dhimashada afarta askari, kuna tilmaamay falkaasi mid aan la aqbali Karin, waxaanu sheegay inay jawaab ka bixin doonaan falkaasi. Afhayeen u hadlay wasaarada difaaca oo la yidhaa Kornayl Rajesh ayaa sheegay in aanay wax aqoon ah u lahayn dhacdada arrintaasi, afhayeenkan ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
Gobolka Kaashiir ayaa u kala qaybsanaa labada dawladood ee Hindiya iyo Baagistaan tan iyo markii uu soo afjarmay gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1947. Colaadan u dhexaysa labada jaar ayaa inta badan ka bilaabmata xudduuda ay wadaagaan ee ku taala Kaashmiir, in kasta oo labada dhinaca ay xabbad joojin kala saxeexdeen sannadkii 2003. Ugu yaraan sagaal qof ayaa sannadkii hore lagu diley Kaashmiirta Baagistaan ka dib hoobiye laga soo riday xudduuda Hindiya, kaasi uu ku habsaday dad saarnaa bas. Labadan jaar ayaa dagaalamay sannadihii 1948, 1965 iyo 1971, laba ka mid ah dagaaladaasina waxa uu salka ku hayey deegaanka Kaashmiir.