|

Dawlada Pakistaan oo sheegtay in Dilkii Mareykanku u geystay madaxii Taalibaanka ay burburisay wadahadalo ay kooxdaa kula jireen

Islamabad Nov 03,2013(SDN)-Dawlada Dalka Pakistaan ayaa sheegtay in dilkii Mareykanku u geystay hogaamiyihii kooxda Talibaan ee dalka Pakistaan ay caqabad ku noqon kareyso nabada dalkaasi.

Wasiirka khaarejiga ee Pakistaan Chaudhry Nasir Ali khan ayaa sheegay in dilka aan loo geysan afrta ruux ee dhimatay uun balse la khaarejiyay wadahadaladii nabadeynta Pakistaan.

Dilka madaxa Talibaan ayaa yimi maalmo uun ka hor kolkii ergo dawlada mataleysaahi ay u safri lahaayeen degaanka Wasiristaan oo ay wadahadalo kula geli lahaayeen Talibaanka.

Dawlada Mareykanka ayaa dhankeed sheegtay in Pakistaan ay wadaagaan xiriir amni isla markaana ay wadahadaladu ay yihiin qaar u gaar ahaa Pakistaan.

Duyuuradaha aan cidi wedin ee Mareykanka ayaa afar gantaal ku dhuftay gaari uu watay Hakimullaah Mehsuud madaxa Talibaanka Pakistaan.

SDN-Islamabad
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed