|

Dawlada oo sheegtay in Puntland diiday caawino

Muqdisho (QJ) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dagaal ka socda buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari oo u dhaxeeya ciidamada difaaca Puntland iyo kooxaha argagixisada ah. Waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay diyaariyeen hub, dawooyin iyo taageerooyin kale, balse Puntland ay ku gacan seyrtay.

“Olalaha ka dhanka ah Daacish iyo colaadaha ayaa mar walba la arkayay ciidamada XDS oo gacantooda fidiyay mar walba, haddii ay daweynayaan iyo haddii ay saanad siin doonaan, laakiin Saciid Deni [Madaxweynaha Puntland] wuu diiday, ciidanka XDS wuxuu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qeyb galo, laakiin albaabka waa uu xiran yahay.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu horay u sheegay in Puntland ay isaga filan tahay dagaalka ay kula jirto Daacish, isla markaana aysan u baahnayn taageero dibadda ah.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku dhaliilay in ay dib u dhigtay taageeridda dagaalka Puntland ay kula jirto Daacishta buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Comments are closed