|

Dawlada oo sheegtay in ay diyaarisay sharciyadii iyo habraacii lagu qaban lahaa doorashada hal qof iyo cod ah

Dhusamareeb (QJ) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo mas’uuliyiin kale ayaa caawa kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Wasiir Cali Xoosh ayaa odayaasha ku wargaliyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay sharciyadii iyo habraacii lagu qaban lahaa doorashada hal qof iyo cod ah. Wuxuu ku nuux-nuux saday in iyadoo la kaashanayo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in awoodda dowladnimo ay si dimoqraadi ah dib ugu soo laaban doonto shacabka Soomaaliyeed, oo iyagu dooran doona madaxdooda.

“Waxaan diyaarinay oo aan meel marinay dhammaan sharciyadii aasaasiga ahaa ee lagama maarmaanka u ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo cod ah, waxaana ka mid ah sharciga dhismaha maamullada xubnaha ka ah federaalka, sharciga xisbiyada iyo ururada siyaasadda, iyo sharciga doorashooyinka qaranka. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhistay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Xuduudaha, iyadoo la siinayo dhammaan agabkii ay ku shaqeyn lahaayeen,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan hogaankooda.

Leave a Reply