|

Dawlada oo duqeysay goob ay ku sugnaayeen Al Shabab

Muqdisho November 28, 2024(QJ) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn culus oo diyaarado dagaal ay xalay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Duqeynta la beegsaday ayaa si gaar ah waxa ay uga dhacday agagaarka deegaanka Xawaadley, halkaasoo shalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta lala beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana la sheegay in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi ku sugnaayeen lagu burburiyay kadib markii ay duqeyntaasi ku dhufteen dhowr madfac.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Deegaanka Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS, ayaa waxaa muddooyinkii dambe la kulmayay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay Al-Shabaab oo weeraro ku qaadayay fariisimaha ciidamada dowladda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Comments are closed