Dawlada Norway oo bixineysa mushaharooyinka Boqolaal ka mida shaqaalaha dawlada Soomaaliya iyo Cida lacagaha qeybineysa
Oslo Sept 10,2013(SDN)-Dawlada dalka Norway ayaa bilowday bixinta mushaharooyinka boqolaal ka mid ah shaqaalaha dawlada Soomaaliya si gacan ay uga geysato tayeynta shaqaalaha dawlada.
Eidsvoll Holmas wasiirka horumarka caalemiga ah ee Norway ayaa laga soo xigtay in Norway tilaabadan u qaaday si dawlada Soomaaliya kalsooni uga hesho dadkeeda.
“Tilaabadan waxaanu u qaadnay in aanu dhiiri gelinyo heyadaha dhaqaalaha dalka,koror loogu sameeyo miisaaniyada,dawlada wanaagana loo dhiiri geliyo”sidaa waxa yiri Eidsvoll Holmas.
wasiirka ayaa intaa raaciyay in”dawlad waanaagu dhiiri gelin doono in dawladu noqoto mid sharci ku fadhida taas oo keemi doonta degenaansho”.
Dawlada Norwey ayaanse mushaharooyinka Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyada iyo Hanti dhwrka oo tiradoodu tahay 380 ruux aan u dhiibi doonin dawlada Soomaaliya.
Mushaharooyinka ayaa waxa loo dhiibi doonaa oo qeybin doona shirkada dhaqaalaha Britain laga leeyahay ee PricewaterhouseCoopers.
Goaankan Norway qaadatay ayaa u muuqda talaabo hore loo qaaday iyo laba dib loo qaaday.
Hore waxa u jiray in hay’ado ay ka mid yihiin UNDP ayaa mushaharooyinka ciidamada qaar ka mida iyo shaqaalaha dawladaba caalamka uga soo qaadi jiray.
Si kastaba ha ahaatee arinkan ayaa hadii loo maareeyo sida loo shaagay waxa ay noqon kartaa mid wax soo kordhiso.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com