Dawlada Nigeria oo sheegtay in ay ogaadeen goobta ay Boko Xaraam ku heysato Gabdho boqolaal ah oo ay afduubteen, sheegtayna in aaney xoog ku soo furan doonin
Kanu May 27,2014(SDN/QJ)-Ciidamada dalka Nigeria ayaa shaaciyay in ay og yihiin haatan goiobta ay Boko Xaraam ku heyso Gabdho 200 ka badan oo ay afduub ku heystaan.
Boko Xaraam ayaa gabdhahan oo da’adoodu ka wada yar tahay 20 jir saq dhexe ka afduubtay Dugsi ay wax ka bartaan islka markaana seexdaan.
Alex Marshal oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada circa ee Nigeria ayaa u sheegay dad ku dibad baxayay ciidamada in ay soo furan karaan gabdhaha balse aaney dooneyn in qaar badan oo ka mid ah ay hawlgalada furashadooda ku dhintaan.
Beesha caalamka ayaa si weyn u canbaareysay afduubashada gabdhahan ardeyda ah ee ay kooxdan xag jiriinta ahi dugsigooda ka afduubteen.
Waxaana haatan ku sugan dalka Nigeria ciidamo ka socda dalalka reer Galbeedka oo shaaciyay in ay ciidamada Nigeria ka caawin doonaan la dagaalanka Boko Xaraam.
SDN/QJ-Kanu
contact@qurbejoog.com