Dawlada Nigeria oo mamnuucday isu soo baxyada loo sameeyo Gabdhihii Boko Xaaraam afduubatay
Abuja June 03,2014(SDN/QJ)-Taliyaha ciidamada caasimada Nigeria ee Abuja Joseph Mbu ayaa shaaciyay goaan aad uga careysiiyay waalidiinta iyo bulshada magaaladaasi ka dib kolkii uu sheegay in aan la ogoleyn isu soo baxyadii loo qabanayay gabdho ay dhawr bilood ka hor afduubteen kooxda Boka Xaraam.
Dawlada dalka Nigeria ayaa caalamku si weyn ugu dhaliilay sida ay ugu fashilantay baadi goobka gabdhii dugsiga waxbarashada saqda dhexe laga afduubtay.
Ciidamada amaanka ayaa sheegay in ay goaankooda ku saleeyeen xaalada amaan ee dalkaasi oo faraha ka sii baxeysa.
Kooxda Boka Xaaraam ayaa sheegtay in ay gabahan da’ada yar ay u iib geyn doonaan dalalka jaarka la ah isla markaana ay gudanayaan waajib diini ah.
Dawlada Nigeria ayaa ka noqotay heshiis gabdhaha qaar lagu bedelan lahaa maxaabiis kooxda Boko Xaaraam ka tirsan oo ku jira xabsiyada Nigeria.
SDN/QJ-Abuja
contact@somalidiasporanews.com