|

Dawlada Masar oo mamnuucday inay Maraakiibta Qatar ku xidhaan Dekadaheeda

Qaahira 09. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Masar ayaa shaacisay in la mamnuucay in maraakiibta Dalka qatar ay ku soo xidhaan dekedaheeda.

General Muhayb Mumayash oo ah madaxa Hay’ada kanaalka Suweys oo maanta la hadlay saxaafada ayaa waxa uu cadeeyey in ka dib kala go’ii xidhiidhkii dhanka diblumaasiyadeed ee Qatar iyo wadankiisa, haatana la joojiyey inay maraakiibta ka diiwaangashan Dalka Qatar ay ku soo xidhaan dekedaha wadanka masar.

Generaalka reer Masar waxa uu intaa raaciyey in ay maraakiibta Qatar sii isticmaali karaan oo ka talaabi karaan marinka suweys maadaama uu dalkiisu u hogaansamayo qawaaniinta caalamiga ah ee bad maaxnimada

Sida la ogyahay Dalka masar iyo sadex wadan oo Khaliijka carabta ku yaalla ayaa xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jaray dalka Qatar 4 bishii june, ka dibna ku soo rogay cunoqabatayn dhaqaale.

Comments are closed