Dawlada Mareykanka oo Shacabkeeda uga digtay Booqashada dalal ay Soomaaliya ka mid tahay
Washington July 19,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa digniin ay shaacisay waxa ay muwaadiniinteeda uga digtay weerarada kooxaha Xagjiriinta iyo Burcad badeedu damacsan yihiin in ay ku bartilmaansadaan.
Sida lagu sheegay warbixintan digniinta ah kooxaha xagjiriinta iyo Burcad badeeda ayaa maleegaya weeraro lagu qaado Mareykanka gala baxaya dunida dacaladeeda.
Warbixintu waxa ay si gaara uga digtay booqashada qaaradaha Africa iyo Asia oo kooxahani si gaara Mareykanka ugu maleegayaan weeraro ay la beegsanayaan.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa si gaara loogu xusay digniinta,Dawlada Mareykanku wax ay shacabkeeda fartay in ay badahah Soomaaliya isaga fogaadaan ilaa 200 nautical miles.
Sidoo kale waxa la faray Muwaadiniinta Mareykanka in aaney ka ag dhawaan dekeda Muqdisho.
Warbixintan digniinta ah ayaa dawlada Mareykanu sanad walba mar ay soo saartaa,waxaana mar walba ku xusan digniino la xidhiidha in weeraro ay maleegayaan kooxo Soomaali ahi.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com