Dawlada Mareykanka oo hakisay dhamaanba lacagihii ay ugu deeqi jirtay dalka Masar
Washington Oct 09,2013(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa shaacisay xanibaada kaalmadii ciidan ee ay siin jirtay dalka qalaalasaha siyaasadeed hareeyay ee Masar.
Xukuumada Madaxweyne Obama ayaa bishii ina dhaaftay ee August hakisay qeyb ka mida miisaniyaadii ay ku kabi jireen ciidamada Masar.
Sarkaal diiday in magaciisa la xuso ayaa TVga CNN u sheegay in dawlada Mareykanku hakisay kaalmadii ay sii jirtay Masar ka dib iffgenbigii ciidamada dalkaasi ku sameeyeen madaxweyne Maxamed Morsi.
Sarkaalkan ayaa sheegay in goaankan gebi ahaanba lagu joojiyay kaalmadaii ciidan ayaa yimi ka dib kolkii qalalaasaha dalka Masar uu cirka isku sii shareeray.
Waxa haatan dalka Masar ka socda rabshado ay wadaan taageereyaashii Madaxweyne Morsi oo ay ka dhalatay dhimasho aan kala joogsi laheyn.
Dawlada Mareykanka iyo kuwa kale ee reer Galbeedka ayaa tiroba dhawr jeer faray xukuumada Masar ee ciidamadu taageeraan in ay xal ka gaaraan arrimaha siyaasadeed ee dalkaasi.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com