Dawlada Mareykanka oo duyuurado military ugu deeqday Jabuuti
Jabuuti Jan 09,2015(SDN/QJ)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in qalab military ugu deeqeyso dalal ay ka mid tahay Jamhuuriyada Jabuuti.
Ciidamada Jabuuti ayaa waxa deeqdan la siiya ka mid ah laba duyuuradood oo noocoodu yahan C-23B oo ah nuuca xamuulka daad gureeya.
Dawladaha Jabuuti, Philippines iyo Astoomiya ayaa dawlada Mareykanku uu deeqday min laba duyuuradahan xamuulka military daad gureeya.
Dalalkan ayaa ka siman hawlgalada ciidan ee ay ciidamada Mareykanku ka wadaan shanta qaaradood ee caalamka, iyaga oo beegsada dhaqdhaqaaqyada xagjiriinta iyo burcad badeeda.
Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duyuuradahan qeyb ka yihiin ilaa 25 duyuuradood oo labaatan sanadood dabadeed hawlgab noqday sanadkii ina dhaafay.
Dawlada Jabuuti ayaa sheegtay in kobcineyso qalabkeeda military khaasatan ciidamada circa si loo kobciyo tayada ciidamdooda bartilmaansada Xagjiriinta iyo Burcad badeeda Mandaqada hoyga ka dhigtay.
SDN/QJ-Jabuuti