|

Dawlada Mareykanka oo canbaareysay xasuuqii dhawaanta Bebela ka geysatay dawlada Jabuuti

Washington Dec 24,2015(SDN/QJ)-War ay soo saartay dawlada Mareykanka ayaa si weyn loogu canbaareeyay dhacdadii ciidamada Jabuuti ay shicibka ku xasuuqeen magaalada Belbela ee dalka Jabuuti.

Hadalkan oo ahaa kii u adkaa ee ay dawlada Mareykanku ku dhaliisho falalka lidiga ku ah mucaaridka Jabuuti ee ay xukuumada Ismaaciil Cumar Geelle caadeysatay ayaa sida u dhignaa:

Dawlada Mareykanku waca ay canbaareyneysaa falkii colaadeed eek a dhacay caasimada dalka Jabuuti  waxaaney ku dhawaaqeysaa in la sii daayo dhamaan xubnaha mucaaradka ee xabsiga ku jira, sidoo kalena waxa Mareykanku ka tacsi u diray dhamaan intii ku dhimatay iyo intii ku waxyeelowday weerarada.

Waxaanu ku boorineynaa dawlada dalka Jabuuti in ay ixtiraanto xuquuqaha iyo xoriyadaha shicibkeeda ee is abaabulka, isla markaana ay dawlada Jabuuti isxakameyso.

Waxaanu dawlada Jabuuti iyo mucaaridka ugu baaqeynaa in ay ka wada arinsadaan sidii looga hortegi lahaa colaado dheeri ah. Sidoo kale waxaanu dawlada Jabuuti iyo Mucaaridka ku dhiiri gelineynaa in ay dib u furaan wadahadaladii si loo xaqiijiyo doorashooyinka madaxtooyada oo ku qabsooma Nabad iyo cadaalada sanada 2016 ka.

Waxaanu xaqiijineynaa taageerada yada wadahadalada iyo rabitaanka Jabuuti ee adkeynta rabitaanka Horumar iyo dawlad loo wada dhan yahay.

Sidaa waxa lugu yiri qoraalka wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka ee looga hadlay colaadii dhawaanta ka dhacday dalka Jabuuti.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed