|

Dawlada Maraykanku Waxay dhagaystaa Hadalada Isgaadhsiinta uu u adeegsado Raysal Wasaaraha Israa’iil

Washington 04 January, 2016 (SDN/QJ):  Wargeyska Caanka ah ee Wall Street Journal oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa fashiliyey in dowladda Maraykanku ay si sir ah u dhegeysato talefannada raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo burinaysa go’aan uu hore u soo saaray madaxweyne Barack Obama oo dhigayey in sirdoonka Maraykanku joojiyo dhegeysiga hoggaamiyeyaasha dowladaha saaxiibka la’ ah Maraykanka.

14
Warkan oo uu  Wargayska Geeska Afrika turjumay waxa uu wargeysku ku sheegay in sirdoonka Maraykanku uu bilaabay dhegeysiga xidhiidho talefoon oo dhex maray Netanyahu iyo gacanyaraashiisa, kadib markii Netanyahu uu dhowaan go’aansaday in uu ol’ole adag oo xitaa Maraykanka gudihiisa ah ku qaado heshiiskii Nukliyeer Iiraan ee Maraykanku gadhwadeenka ka ahaa. Kalsooni darro badan iyo kala shaki ayaana soo dhex galay raysalwasaaraha Yuhuudda iyo Guriga Cad, waxa  aanu xaalku cirka isku sii shareeray markii Netanyahu uu isku dayey in uu Kongareeska Maraykanka ku qanciyo in heshiiskaas la joojiyo.

Wargeyska Wall Street waxa uu sheegay in wakaaladda Amniga qaranka ee Maraykanku NSA ay si toos ah ugu badheedhay basaasidda hoggaamiyeyaasha iyo masuuliyiinta kale ee Israa’iil, kuna guulaysatay in ay dhegeysato sheekooyin qarsoodi ahaa oo dhex maray masuuliyiintan iyo xildhibaanno ka tirsan golaha Kongareeska Maraykanka iyo sidoo kale kooxaha u ol’oleeya Yuhuudda ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ka soo horjeeday dadaalka Obama ku doonayey in la dhamaystiro heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan.

Masuuliyiinta Guriga Cad ee Maraykanka ayaa xilligaas aaminsanaa in sirta lagu helo dhegeysiga talefannada Netanyahu ay wax ka tari karto ka hortagga iyo fashilinta ol’olaha uu Netanyahu ku hor istaagayey heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan.

Arrimaha sirta ah ee uu Maraykanku ku ogaaday dhegeysiga talefannada Netanyahu iyo la-taliyeyaashiisa waxa kale oo ka mid ahaa, in Israa’iil ay si qarsoodi ah u sii deyn jirtay xogta qarsoon iyo macluumaadka muhiimka ah ee la xidhiidha wada hadalladii u dhexeeyey Iiraan iyo quwadaha lixda ah ka hor intii aan heshiiskaas la gaadhin.

Intii wada hadalladaasi socdeen waxaa marar badan soo baxay warar sir ah oo la xidhiidhay wada hadallada oo albaabadu u xidhnaayeen, taas oo dhowr jeer shaki ku dhex tuurtay dhinacyadii wada hadlayey, laakiin hadda waxaa caddaatay in sirdoonka Yuhuuddu uu basaasi jiray, dhegeysanna jiray wada  hadalladaas Hubka Nukliyeerka kadibna si qarsoodi ah dibadda loogu soo saari jiray xogtaas si loo fashiliyo wada-hadallada.

Waxaa xusid mudan in bishii Koowaad ee 2014kii uu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama soo saaray amar sirdoonka Maraykanka u diidaya in la dhegeysto talefannada madaxda dowladaha Maraykanka la saaxiibka ah, kadib markii uu basaaskii hore ee CIA Edwardo Snowden sannadkii 2013ka fashiliyey basaasidda uu Maraykanku ku dhegeysto talefannada madaxda dunida, taasina ay khalkhal gelisay xidhiidhka uu Maraykanku la’ lahaa dalal badan oo waaweyn sida Faransiiska iyo Jarmalka.

In kasta oo liis xilligaas Maraykanku hoos u sameeyey oo ay ku yaalleen dowladaha sirdoonka loo diiday in uu madaxdooda dhegeysto ay ka mid ahaayeen hoggaamiyeyaasha dalalka ku wada jira Gaashaan-buurta NATO haddana liiskaa waxaa laga reebay  Madaxweynaha dalka Turkiga oo Maraykanka xulafo la’ ah, xubin muhiim ahna ka ah NATO, laakiin haddana sirdoonka Maraykanka aan loo diidin in ay dhegeystaan. Waxaa iyaduna xiise gaar ah leh in Maraykanku uu dhegeysto madaxda Israa’iil oo uu la yahay xulafada koowaad dunida.

Comments are closed