|

Dawlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Inay Joojisay Dhaqaalihii Ku Bixi Jiray Dawlada Soomaaliya!

Washintong  03 November  2017 (SDN/QJ):-Dawladda Maraykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo Wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dawladda Maraykanka ay joojinayso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Jawaab qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay u soo dirtay ayaa lagu yidhi“Wararka sheegaya in dawladda Maraykanka ay u joojinayso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xidhiidhiyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho waa kuwo aan sax ahayn”

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dawladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab.

Qoraalka waxaa lagu yidhi “Dawladda Maraykanka waxay mudnaanta siisaa daah-furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumaysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yidhi “Dawladda Mareykanka waxay hore dawladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xidhan kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Maraykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.”

Warkan oo si weyn ugu baahay warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa asalkiisu ka yimi qormo lagu daabacay Wargeyska Daily Nation oo ku saabsan qoraal la sheegay inuu diyariyay xafiiska baraha guud ee waaxda Arrimaha dibadda. Waxaana warkan si weyn u buunbuuniyay qaar ka mid warbaahinta Soomaalida.

Comments are closed