Dawlada Maraykanka Oo Go’aamisay inay Dalkeeda Ka Masaafuriso 4 Kun oo Qof oo Somali ah & Safiirka Somalia ee Maraykanka oo Cadeeyay Arintan DHAGAYSO
Washington 09. April 2017 (SDN/QJ):-Safiirka Somalia u fadhiya dalkan Mareykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in safaaradiisu ay ogaatay in hey’adaha socdaalka ee mareykanka ay doonayaan inay Mareykanka ka masaafuriyaan ilaa 4 Kun oo qof oo Somali ah.
Ambasador Cawad ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo dadkaasi ka mid ah oo haatan xarumo iyo xabsiyo lagu hayo la celin doono labada bilood ee soo socota, halka kuwa kalena ay hey’adaha socdaalka baadi goonayaan.
Hadalka Safiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan, 82 qof oo 26 dal u dhashay oo uu ku jiray oday dhorw iyo konton jir ah oo Somalia ay hey’adda socdaalku ka qabqabatay magaalada Washington iyo hareeraheeda.