Dawlada Maraykanka oo Daboolka Ka Qaaday in Liiskii Xulufada Sucuudigu Ku Xukumeen Qatar ay Yihiin Go’aamo aan la qaadan Karin & Dariiqa ay Xalka u arkaan!!!
Washington 26. June 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shuruudihii ku qornaa liiskii uu Sucuudigu u gudbiyey dawlada Qadar aanay ahayn kuwa la aan la qaadan Karin.
Xoghayaha arrimaha dibada Marayknaka ayaa war qoraal ku sheegay in aanu xalku ku jiro dawladaha carabta oo wada fadhiista oo dib u eega waxa dhexyaala, wuxuu hoosta ka xariiqay inay dawlada Qadar ku gudo jirto inay dib u eegis ku samayso liiskii ay soo gudbiyeen dalalka Sucuudiga, Masar, Baxrayn iyo imaaradku, taasina ay rajo ka soo bixi karto.
Wuxuu intaasi ku daray in xulufada ay gacanka carabta ku leeyihiin ay fiicanaan lahayd iyaga oo wada jira oo si isku-duuban uga hortaga aragagixisada iyo kuwa taageera.
Xoghayaha arrimaha dibada Maraynkanka Tillerson wuxuu ku dardaaray dalalka gacanka carbeed inay dantooda ka horumariyaan danaha adduunka iyo wixii dhaawacaya wadajirkooda, waxaanu sheegay inay dawlada Maraykanku taageerayso dhexdhaadinta ay wado dawlada Kuweyt.
Dhawaan ayey dalalka Sucuudiga, Masar, Baxrayn iyo Imaaraadku soo saareen liis ka kooban 13 qoddob oo dawlada Qadar ay kaga dalbanayaan inay fuliso haddii ay doonayso in laga qaado xayiraada ay saareen dalalkaasi.
Liiska waxa ka mid ahaa inay albaabada u laabto Tilifiishanka Al-jaziira iyo inay hoos u dhigto xidhiidhka ay la leedahay dawlada Iiraan, sidoo kale in la xidho saldhiga uu Turkigu ku leeyahay dalka Qadar.
Madaxda dawlada Qadar ayaa markiiba ka jawaab celiyey dalabka ku qoran liiska, waxa ayna ku tilmaameem mid aan macquul ahayn oo aan la aqbali Karin.
Dawlada Turkiga ayaa dhinaceeda ku gacansaydhay in la xidho saldhigeeda, halkaasina ku tilmaamtay inuu yahay mid waxyeelaya qaranimada dalka Qadar.
Is-marin waaga u dhexeeya dalalka gacanka ayaa cirka isku sii shareeraya beryahan dambe.