|

Dawlada Maleysia oo shaacisay xogta duyuuradii la waayay ee MH37O

Kuala Lampur May 27, 2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Malaysia ayaa bilo badan ka dib kolkii la waayay duyuuradii dalkaas laga lahaa ee MH370 ee la waayay xogku saabsan oo laga ururiyay Satellite ka dunida u soo ban dhigtay.

Duyuuradan oo duulimaadkeedii MH370 ay ka duushay magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia iyada oo ku sii jeeday Beijing.

Duyuurada iyo rakaabkii saarnaa oo tiradoodu aheyd 239 ruux ayaa la waayay jaan iyo cirib halka ay dhigeen.

Xogtan oo haatan ay baarayaan khubaro caalamka ka kala socota ayaa mudooyin badan ka dib waxa ay qiimeyn doonaa baaritaankii dheeraa ee caalamku iskugu deyay in duyuurada burburkeedii la helo.

Qoysaskii ay ka baxeen rakaabkii duyuurada saarnaa oo intooda badani ay ka soo jeedaan dalka China ayaa in badan ka dalbanayay in dawlada Malaysia ay xogtan baahiso.

SDN/QJ-Kuala Lampur

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com  

Comments are closed