|

Dawlada libiya oo Niger ka dooneysa Inan uu Dhalay Qadafi

Tripoli Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Xukuumadda ku meel  gaadhka ah  ee dalka  Liibiya, ayaa  maanta  u gudbiyey  cabashooyin  iyo eedeymo dawladda Niger  oo ku saabsan  wiil  uu dhalay  Hogaamiyihii  hore  ee dalkaasi  Liibiya,  laguna  magacaabo  Sacad  Qadaafi  oo magan  galyo  siyaasadeed  ku  jooga   dalka  Niger.

Xukuumada Liibiya  waxa  ay  cabashooyinkeeda ku sheegtay inuu Mr  Sacad  Qadaafi  ku hawlan yahay   sidii  uu khal khal  u  galin lahaa  xasiloonida  Liibiyada  cusub,  iyo   inuu xidhiidhka  Niger  iyo Liibiya  u  carqaladayn  lahaa,  iyagoo  ka  digay  in ayna  Nayjar  noqonin meel  lagaga  soo duulo  Liibiyada.

Cabashooyinka  Liibiya  waxa  uu  ka dembeeyey  markii uu Sacad  Qadaafi  sheegay in uu xidhiidh  la leeyahay  kooxo  badan oo ka soo  horjeeda  xukuumadda  ku meel gaadhka  ah  ee dalkaasi,  isagoo  ugu  baaqay  kooxahaasi taageersan  in ay  sameeyaan kacdoon  dadweyne  oo xilka  lagaga  tuuro   dawladda ku meel gaadhka ah ,  iyadoo   baaqiisa  baahisay   Telefishinka  Alcarabiya oo waraysi kula   yeeshay  todobaadkii hore  dalka  Niger.

Qurbejoog-Tripoli

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed