Dawlada la Aqoonsan yahay ee Yemen oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Shiidaalka ee Gacan saarka la leh Maleeshiyada Xuutiyiinta & Kuwa Madaxweynihii Hore Hogaamiyo
Sanca 02. October 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda la aqoonsan yahay ee Dalka yeman ayaa uga digtey shariikadaha Petroolka inay la tacaamulaan Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo kuwa Cali cabdala Saalax ee Sanca ee Dagaalka kula jira xukuumada.
Ra’isal wasaaraha dalka Yeman Axmed Binu Daqar ayaa sheegay in shariikadaha tacaamulka la sameeya Maleeshiyaadkaasi xuutiyiinta iyo Kuwa cali Cabdala Saalax ay iyagu qaadi doonaan Mas’uuliyadda qaanuuniga ah ee ka dhalata la tacaamulkooda.
Ra’isal wasaaraha oo wada hadal kula yeeshey Masuuliyiin dhowr ah Caasimada ku meelgaadhka ah ee Dalkaasi ee Cadan oo ay Masuuliyiintaasi ka wada hadleen sida ay suura gal u noqon karto in ceelasha Saliida iyo Gaaska ee Gobolkaas looga shaqaysiin karo.
Waxaanu Ra’isal wasaaruhu tilmaamay sida ay lagama maar-maanka u tahay sidii Ceelasha saliida looga shaqeysiin lahaa kuwaasi oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Guud ee Dalkaasi.