|

Dawlada Koonfur Africa oo shaacisay in ay kordhineyso la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida

Durban Feb27,2012(SDN)-Dawlada Koonfur Africa ayaa walaac ka muujisay amniga maraakiibteeda ganacsi ee mara baddaha geeska Africa,sidaa waxa saxaafada u sheegay haneeneyda ah wasiirka Gaashaandhiga ee dalkaasi.

Lindiwe Sisulu ayaa sheegat in ciidamada badda ee dalkaasi ay haatan uun gurmad u fidiyaan maraakiibta ay burcadu weerarto,ayse tahay in ka hortag la sameeyo iminka wixii ka danbeeya.

Konfur Africa ayaa dhawaan mid ka mida maraakiibta dagaal ee dalkaasi ka hawlgaliyay badaha dalalka Koonfurta africa.

Lindiwe ayaa sheegtay in ay jiraan duruufo dhaqaale oo ay tahay in xal loo helo si loo kafaalo qaado amniga maraakiibta Konfur Africa.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Koonfur Africa waxa ay sheegtay in ay kordhayaan weerarada ay Burcadu ka geysato baddaha ka fog xeebaha Soomaaliya,ka dib culeys uga yimi ciidamada caalemiga ah ee ku sugan baddaha Soomaaliya.

SDN-Durban
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed