Dawlada KMG ah oo Hiiraan maamul cusub u sameeysay
Muqdisho Mar 11,2012,(SDN)-Dawlada KMG ah ee Soomaliya ayaa manata soo saartay wareegto ay ku magacawday maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka Hiiraan.
Wareegtadan oo uu ku saxeexnaa madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Md Cabdifataax Xasan Afrax.
Guddoomiyaha Cusub oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maamulka csubi la iman doono waxqabad muuqda.
Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha cusubi fariin u diray shacabka gobolka Hiiraan oo uu ka dalbaday in ay la sheqeeyaan maamulka cusub.
Gobolka Hiiraan ayaa waxa hore uga jiray maamul la yidhaahdo dooxada Shabeele,ma cada maamulkaasi ula jaan qaadi doono isbedelkani.
SDN-Muqdisho