Dawlada KMG ah ee Masar oo urur Diimeedka Ikhwaanka qortay Argegixiso
Qaahira Dec 26,2013(SDN)-Dawlada KMG ah ee dalka Masar ayaa shaacisay in ay urur diimeedka Ikhwaanka ee ay talada ka faro maroorsadeen yihiin Argegixiso.
Talaabadan ayaa dhamaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Ikhwaanka ka dhigaya qaar sharci daro ah.
Xukuumada Masar ee taageerada ka heysata ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa goaankan ay gaareen xaalada dalkaasi cirka ku sii shareereysaa.
Taageereyaasha Ikhwaanka iyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Morsi ayaa isu soo baxyo waday ilaa iyo bishii ina dhaaftay ee July.
Xukuumada Masar ayaa goaankeedu imanayaa maalmo ka dib kolkii uu qarax ay ku dhinteen 16 ruux ka dhacay saladhig booliis oo ku yaal duleedka Qahira.
Qaraxan oo Ikhwaanku canbaareeyay ayaa ay dawladu ku eedeysay ururka Ikhwaanka.
Ma cada halka xaal sal dhigan doono,waxaase hubaal ah in Masar cagaha saartay dhabe aan la garaneyn halka uu geyn doono.
SDN-Qaahira
contact@somalidiasporanews.com