|

Dawlada Kenya oo sharciyadii kala noqotay hay’ado aan dawli aheyn oo aad u foro badan

Nairobi Dec 17,2014(SDN/QJ)-Dawlada Kenya ayaa ogolaashadii shaqo kala noqotay in ka badan 500 oo hay’adood oo dalkaa ka hawl gala.

Ilaa 15 ka mida ah hay’adaha sharciyada lagala noqday ayaa dawlada Kenya ku eedeysay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha argegixisada,

Guddida dawliga ah ee bixisa ogolaashaha shaqo ee Hay’adaha aan dawliga aheyn ayaa sheegay in hay’adaha lagala noqday ogolaashaha loo isticmaali jiray arimo sharciga baal marsan oo argegixisaduna ka faaiideysan jirtay.

Dawlada Kenya Ayaan shaacin hay;adaha ruqsada sharci lagala noqday, balse waxa intaa dheer in hay;adaha qaar la xanibay hantidooddii tiilay Bananka dalkaas.

Afhayeen u hadalay dawlada Kenya oo la yidhaahdo Denis Itumbi ayaa sheegay in 510 Hay’adood ee la xanibay aaney bixin canshuur sanadeedyadii lagu lahaa oo gaaraya ilaa 5.53 million oo dollar.

Xuseen Khaliif oo ah xiriiriyaha Hay’ada Haki Africa oo ka hawlgasha degaanka Mombasa ayaa inkasta oo aan hay;adooda la xanibin hadana sheegay in dawladu tilaabadan uga gol leedahay caburin.

Bulshadu Rayidku waxa ay u hadashaa cidi maqal,in sharciga la inagala noqdo oo nalo caga jugleeyo ma xalineyso dhibaatooyika jira”ayuu yiri Xuseen Khaliif.

Dalka Kenya ayaa sanadihii 20ka sanadood ahaa ee inadhaafay waxa uu xarun u ahaa hay’adaha aan dawliga aheyn eek a hawgala dalalka Geeska Africa.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

Comments are closed