|

Dawlada Kenya oo ku Canbaareysay Dawlado reer Galbeeda Goaankii QM ku diiday in lagu laalo dacwadaha Madaxda dalkaas uga socda Maxkamada Hague

Nairobi Nov 18,2013(SDN)-Madaxda dalka Kenya ayaa caro ku soo dhaweeyay goaan ay Gollaha amanaka ee Qaramada Midoobey ku laaleen dalab ahaa in madaxda dalkaasi aaney hortagin maxkamada denbiyada ee Hague.

Madaxweynaha dalka Kenya iyo ku-xigenkiisa ayaa ay maxkamada denbiyada ee Hague ku eedeysay dagaalo beeleedyo dhacay xiligii doorashooyinka Kenya.

Maxkamada oo dhegeysigeedu weli socdo ayaa ay madaxda Africa oo ah ilaa iyo haatan kuwa qura ee la maxkamadeeyay ay qaadaceen sharcinimadeeda.

Dawladaha reer Galbeedka ee xiriirka dhaw la leh Kenya ayaan u codeyn mooshin Golaha amaanka la horgeeyay oo ka dhan ahaa Maxkamadeynta madaxda Kenya.

Dawladahan oo Mareykanku ugu horeeyo ayaa sida hadalka Madaxda Kenya laga dhadhasan karayay waxa ay balan qaadeen in ay taageeri doonaan Kenya.

Balse kolkii la guddo galay codeynta ayay dalalkii reer Galbadku ka gaabsadeen in ay ka qeyb qaataan codeynta,taas oo sababtay in qorshihii Kenya meel mari waayo.

“Waxaanu leenahay kolka la eego wixii shalay(doraato) ka dhacay QM in ay cadeeyn u tahay kala saarida saaxiibada dhabta ah iyo kuwa kale,waxaanu leenahay saaxiibadii nala saftay mahadsanidiin,qorshena waanu wadnaa waanan guuleysan doonaa:sidaa waxa yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto.

Dawladaha Africa oo Kenya iyo South Africa hogaaminayaan ayaa si weyn u qaadacay in maxkamada Hague ay sii wado maxkamadeynta madaxda Africa oo qura.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed