|

Dawlada Kenya oo Ka Falcelisay Weerarkii Alshabaab iyo Duqaymo ay ka fulisay Xeryaha Alshabaab ee Gado

Nairobi 06.April 2015 (SDN/QJ)- Duqeyntan ayaa lagu sheegay in ay jawaab u tahay weerarkii uu Khamiistii ururka Alshabaab ka geystay Jaamacadda magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

CE8896C8-5811-46BC-BFDA-F3584CBFDBE9_w268_r1Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Sabtidii wacad u maray in xukuumaddiisu ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii ka dhacay magaalada Garissa.

Wareysyada ka soo baxda dalka Kenya ayaa laammaha ammaanka ee Kenya si weyn ugu dhaleeceeyay hannaankii ay uga jawaab bixiniyeen weerarkii ka dhacay magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Wakaallada wararka ee Farasiiska ayaa sidoo kale qortay in ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya ay ku qaataday toddobo saacadood in ay ku gaaraan goobtii uu weerarku ka dhaay.

Weli lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta diyaarahada dagaalka ee Kenya ka fuliyeen goobo ay Alshabaab kaga sugantahay gobolka Gedo.

Comments are closed