|

Dawlada Kenya oo Bilowday Dib u Celinta Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab

Dhadhaab 04.July 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Kenya  ayaa  billowday inay Dalkooda dib ugu celiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Gobalka Waqooyi-Bari dalka Kenya.

dhadhaabQaxooti tiradoodu tahay  180 Ruux oo ah kuwii ugu Horreeyay ayaa  dawlada Kenya Gaadiid ku daabushay, Waxayna geysay Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, si looga sii gudbiyo meelihii ay markii hore ka yimaadeen ee gudaha somaliya.

Hay’adda UNHCR, ayaa la sheegay in Qaxootiga lasoo gaadhsiiyay deegaanka Dhoobley ay u diyaarisay Gaadiid Halkaasi kasii qaada, Waxaana taallabadan ay kusoo beegmaysaa xilli Xukuumadda Kenya ay shaacisay in Bisha November ee Sanadkan 2016-ka, ay Albabada u laabayso xeryahan.

Xidhiidhiyaha Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax oo la hadlay Warbaahinta ayaa u Sheegay in markii ugu Horreysay ay Xukuumadda Kenya Billowday in ay Qaxooti Soomaaliyeed dib ugu celiso dalkooda.

Sidoo kale, Xidhiidhiyaha ayaa hadalkiisa ku daray, in Qaxootigaas ay si iskood ah u doorteen inay dib ugu laabtaan Waddankooda Soomaaliya intii ay Xeryahaan Qaxooti la caawiyo ku sii ahaan lahaayeen.

Dhanka kale, Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, ayaa iyadana Waxay sheegtay in Qaxootiga ku laabanaya Soomaaliya ay siineyso lacag sahay ah oo ku tagayaan dalkooda.

Dawladda Kenya ayaa hore u shaacisay in labada bishan oo ku beegneydsabtidii  shalay ay billaabeyso dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab, Waxaana muuqata in Dawladda Kenya ka dhabeysay go’aankeedii ahaa inay Qaxootiga ku Nool Xeryaha Dhadhaab dib ugu celinayso Waddankooda Somaliya.

Comments are closed